Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan C/weli Qanyare oo ka digay culumo kusoo biirtay dagaalka dowladda lagu wado

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)– Xildhibaan Cabdi weli Maxamed Qanyare ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Wadaadada ku fadwoonaya  Xildhibaanada iyo Siyaasinta mucaaradka, isagoo oo  tilmaamay in hadaan Siyaasada laga heshiin oo madaxda aqligooda soo noqon aay imaan karto Hurumar la,aan Amni xumo,laalush iyo is qabqabsi joogta taaso lagu maareyn karin siduu hadalka u dhigay wadaada la soo kireestay ee beenta fadwooda.

Xildhibaan Cabdi Weli Qanyare ayaa qoraalo uu soo dhigay bartiisa Twittarka ku yiri ,dalkaan sharci lagu kala danbeeyo oo qeexan baa ka jira nimanka koofiydaha gashtay ee rabitaankooda Umadda inay Diin ugu dhigaan raba oon og nahay inay qayb ka yahiin burburka,Xagjirnimada iyo qaraxyada dalkeena afeeyay maryo nooma soo hugan karaan.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yiri’ Siyaasadda Soomaliya halka dhib oo hadda ka jira waxaa isugu yimi kuwa Badda maceeya oo wadaadana u isticmaala si qaldan taasna waxay laba jibaaraysa dhibta Umadda ee Amni iyo in fara taag taaga uu bato.

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa shaki ka muujiyay wadaada Xildhibaanada ku fadwoonaya isaga oo yiri, ma waxay ka mid yahiin garabka aan hubaysnayn ee Alshabaabka iyagoo horayna ugu fadwoon jiray rabida Al shabaab taasina lagu baneestay dhiiga shacabka iyo hantidooda dhibaatada weli dalkaan hayasta iyaga ayaa u horseeday Shabaab iyo iyaga waxaay ku kala duwan yahiin oo aay dalkaan u haayan ma jirto lamana haayo meel aay horey cafis ugu waydiisteen shacabka Soomaaliyeed.

“Dalkaan Xisbiyo laguma kala adkaan, Barlamaanka Dowladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, iyaga ayaana soo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Madaxweynaha sidoo kalana meelmariyay Ra’isulwasaaraha iyo golahiisa Wasiirada ma fahmi Karo meesha ay ka soo galaan siyaasadda wadaadadan yar ee fara ku tiriska ah ee ku fadwoonaya waxaan ummadda iyo dalka aan danta u ahayn ee keliya ku salaysan dano shaqsiyadeed.

Hadalka Xildhibaan Cabdi Weli Maxamed Qanyare ayaa imaanaya, xili tiro laba jeer ah Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlayay munaasabado kala duwan ka  sheegay in cidii mooshin wada meelaha ay joogaan uga galayaan, isla markaana ayaga iyo shacabka garaacayaan taaso ka caraysiisay Xildhibaano badan.

Hoos ka akhriso fariimaha uu soo dhigay bartiisa twitter-kacweli-qanyare-.jpg?resize=614%2C1092&sslcweli-qanyare-2.jpg?resize=614%2C1092&ss

The post Xildhibaan C/weli Qanyare oo ka digay culumo kusoo biirtay dagaalka dowladda lagu wado appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this