Sign in to follow this  
Deeq A.

XAQIIQ: Qaab ceynkee ah ayay u dhinteen inta badan ciidamadii lagu Qarxiyay Xerada General Kaahiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxii Ismiidaminta ahaa ee saakay ka dhacay xarunta Tababarka Booliska General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 18 Askari oo ay ku jireen ilaa 6 Sarkaal oo laba xigidle ahaa kuwaa oo ku sugnaa eeryada uu taagnaa naftii haligaha ismiidaamiyay.

Askarta ku dhaawacantay ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 15 Askari oo xiliga Qaraxa ku jiray feelka Quraacda.

Xogta rasmiga ah ee aan heleyno ayaa sheegeysa in ciidamada ugu badan ee dhintay ay ku baxeen gacanta ciidamada xiligaa ku qornaa heeganka.

Ciidamada dhintay iyo kuwa dhaawacmay qaarkood ayaa waxaa oogada jirkooda ku yaala rasaas, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen rasaas ay Qaraxa kadib fureen ciidamada Booliska ee ku qornaa ilaalada Xerada.

Askar tiradooda lagu sheegay 9 ayaa kamid ahaa kuwa ay galaafatay rasaasta ay rideen ciidamada, waxaana taa u sabab ah in ciidamadu ay ahaayen kuwo ka cabsi qabay in Ismiidaaminta kadib gudaha Xerada lasoo galo.

Askari magaciisa ku sheegay Maxamed Nuur oo xiligaa ku sugnaa goobta Qaraxa ayaa yiri ‘’Ciidamadu aad ayay u saseen marka uu Qaraxa dhacay waxa ay iska ilaalinayeen in gudaha Xerada ay ka dhex bilaabato oo maleeshiyaadka al-Shabaab ay gudaha usoo galaan’’

Waxa uu sheegay in ciidamada qaar ay ku dhinteen rasaas maadaama ay ciidamadu ahaayen kuwo ku sasay Qaraxa, taa oo keentay inay furan rasaas xoogan oo khasaaro dhalisay.

Sidoo kale, waxa tilmaamay in xiliyada Qaraxa dhaco ay ciidamadu isku geystaan khasaaro maadaama ay si cabsi ay ku jirto u furan rasaasta.

Ugu danbeyntii, Qaraxan ayaa kusoo beegmaaya xili Taliska ciidamada Booliska uu isku diyaarinaayo xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post XAQIIQ: Qaab ceynkee ah ayay u dhinteen inta badan ciidamadii lagu Qarxiyay Xerada General Kaahiye appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this