Sign in to follow this  
Deeq A.

Taba-bar ku saabsan Joojinta gudniinka gabdhaha oo Garoowe lagu soo xiray.

Recommended Posts

Deeq A.   

Marwada Madaxweynaha dowladda Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise ayaa magaalada Garoowe ku soo xirtay taba-bar ku saabsan joojinta gudniinka gabdhaha oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland,sidoo kalena ay qayb ka ahaayeen hay’adaha Global Media,Ifrah Foundation,UNICEF iyo Save The children.

Taba-barka oo muddo 4 cisho ah ka soconayey caasimadda Garoowe ayaa loo qabtay weriyaasha iyo culimada,waxaana lagu barayey sida ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen joojinta gudniinka gabdhaha,islamarkaana bulshada u fahamsiin lahaayeen dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta gudniinka.

Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland Marwo. Maryan Axmed cali ayaa sheegtay in ay hawl weyn ka qabteen arrimaha la xiriira tacaddiyada ka dhanka ah gabdhaha iyo haweenka ,gaar ahaanna gudniinka halista ah ee FGM.

Marwo. maryan ayaa caddaysay in weriyaasha iyo culimada ka qayb galay taba-barkaan ay isaga yimaadeen guud ahaan Soomaaliya ,sidaasi darteedna la oron karo Soomaali oo dhan baa ku jirtay.

Marwada Madaxweynaha Drs. Hodan Siciid Ciise ayaa dhankeeda sheegtay in gudniinka Fircooniga ah dhibaatadiisu gaartay carruur da’dood 5 sano tahay“Xumaatadiisa waxaa sii fool xumaynaya weliba, carruurta yar yar ee lagu samaynayo oo shan jir ilaa sagaal jir lagu samaynayo“,ayey tiri Drs. Hodan.

Sawirro.
23-1.jpg?resize=600%2C342

25.jpg?resize=600%2C363

24.jpg?resize=600%2C324

19-2.jpg?resize=600%2C416

17.jpg?resize=600%2C352

15.jpg?resize=600%2C331

13-1.jpg?resize=600%2C329

12-1.jpg?resize=600%2C329

8-3-1.jpg?resize=600%2C410

27-1.jpg?resize=600%2C340

12.jpg?resize=600%2C329

7-2-1.jpg?resize=600%2C362

3-1-1.jpg?resize=600%2C400

2-5-1.jpg?resize=600%2C308

1-3-2.jpg?resize=600%2C286

The post Taba-bar ku saabsan Joojinta gudniinka gabdhaha oo Garoowe lagu soo xiray. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this