Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Roobow oo ka wada hadlay tallaabooyin dhibaato ku noqon doono Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo shalay galab gaaray magaalada Kismaayo

Kulankan ayaa ka dhacay Madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo uu Axmed Madoobe ku soo dhoweeyay saaxibkiis hore Mukhtaar Roobow.

Kulankaan ay wada qaateen Axmed Madoobe iyo Muqatar rooboow oo ahaa mid aan horay loosii shaacin ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu horay Maamulka Jubbaland u qorsheeyay.

Muqtaar Rooboow iyo Axmed Madoobe oo ahaa Saaxiibo hore ayaa isla gorfeeyay qaabka loo wajihi karo dagaalka Al-Shabaab iyo fursadaha loo heysto waqtigaan.

madoobe-and-Rooboow.jpg?resize=696%2C522

Mukhtar Roobow ayaa u bandhigay Axmed Madoobe qorshayaal ku saabsan qaabka loo wajihi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida xilligan looga faa’ideysan karo fursadaha la heysto.

Waxaa lagu wadaa in maanta uu kormeero ku tago meelo ka mid ah magaalada Kismaayo, gaar ahaan xeryaha ciidamada, waxaana lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

Muqtaar Roobow ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay isaga oo marti u ahaa Madaxweyne Shariif Xasan waxa uuna kormeeray Xerooyin ciidan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Axmed Madoobe iyo Roobow oo ka wada hadlay tallaabooyin dhibaato ku noqon doono Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this