Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray ismiidaaminta ka dhacday General Kaahiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Somaliyed ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Ismiidaamintan oo uu fuliyay ruux xirnaa dharka ciidanka Booliska ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ku dilay tobanaan ka tirsan ciidamada Booliska Somaliyed.

Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi iyaga ay fuliyeen, islamarkaana ay ku dileen askar badan oo Boolis ah, khasaaraha weerarka ka dhashayna dib ay ka soo sheegi doonaan.

“Mujaahidiinta ayaa Qarax xooggan ku beegsaday Maleeshiyaad ah xilli ay safaf kujireen gudaha xarunta Tababarka Booliska Iskoola Boliisiyo khasaaraha ka dhashay weerarka dib ayaan kasoo sheegi doonnaa.” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab kasoo baxay.

Saraakiisha ciidamada Booliska Somaliya weli kama aysan hadlin ismiidaamintaan ka dhacday Dugsiga Tababarka ciidanka Booliska Somaliyed ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Booliska Somaliya ayaa tagay goobta qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay, halkaasi oo ay ku qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Shabaab oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray ismiidaaminta ka dhacday General Kaahiye appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this