Sign in to follow this  
Deeq A.

Immise ayey gaartay tirada ciimdadii ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee General Kaahiye?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 19 Askari oo ka mid ah Booliska Soomaaliya ayaa ku geeriyooday kaddib markii saaka uu Qof is miidaamiyay ku qarxay barxadda Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa xilliga la weerarayay sameynayay Gaardis aroortii ah,waxaana sidoo kale ay isu diyaarinayeen Xuska Maalinta Booliska Soomaaliyeed ee 20ka Bisha December.

Sidoo kale Askar ka badan inta dhimatay ayaa ku dhaawacntay weerarkaas waxaana loo qaaday Isbitaallada Ciidanka ee Magaalada Muqdisho.

Qof ka isqarxiyay ayaa watay dharka Ciidanka waxaa kale oo uu xirnaa Jaakad ay ku xiranyihiin waxyaabaha Qarxa,waxaa uu ku qarxay barxadda dhexe ee Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Dhinaca kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas waxaana ay sheegeen in askar badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay ku dileen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Immise ayey gaartay tirada ciimdadii ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee General Kaahiye? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this