Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland Iyo Mukhtaar Roobow Oo Ku Kulmay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhowaan ku dhowaaqay inuusan ka tirsaneyn Xarakada Al-shabaab.

Roobow ayaa shalay gaaray Kismaayo kadib sida la sheegay casumaad uu ka helay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen Labadan mas’uul ayaa ugu badan sida loo wajihi karo dagaallada ka dhan ah Al-shabaab, maadaama Jubbaland ay qorsheyneyso iney duulaan ku qaaddo deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka iyo Gedo.

Abuu Mansuur ayaa Axmed Madoobe siiyey macluumaad badan oo la xiriira sida loola dagaallami karo Al-shabaab iyo arrimo kale oo dhanka ciidanka ah.

Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo uu kormeeray xeryaha ciidamada, waxaana xigay safarkiisan Kismaayo.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this