Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxii Ismiidaaminta Ee Ka Dhacay Dugsiga Jeneraal Kaahiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismidaamin ah oo saakay ka dhacay Dugsiga tababarka ciidamada Jeneraal Kaahiya ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internetka ayaa waxay ku sheegeen iney iyaga ka dambeeyeen weerarkaasi oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid ay muddo diyaarinayeen.

Waxay sheegeen in ay dileen askar ka tirsan ciidanka Booliiska xilli ay safaf dhaadheer ku jireen barxadda Jeneraal Kaahiya.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay qaraxii Ismiidaamin ahaa ee saakay ka dhacay dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this