Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ka danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Saaka ka dhacay magaalada Muqdisho (Khasaaraha)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee Saaka ka dhacay dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in weerarkaasi ismiidaaminta ah uu fuliyay xubin iyaga ka tirsan, waxa ayna sheegyeen inay ku dileen Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska.

Maleeshiyada ayaa tiri ‘’Waxaan saaka ku kalahnay xerada Booliska Jeneraal Kaahiye,waxaan ku dilnay weerarkaas Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska oo ku jiray safaf’’

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa saaka aroortii hore fuliyay ruux xirnaa dharka ciidanka Booliska, kaa la xaqiijiyay inuu galaaftay ciidamo farabadan.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare xoogan oo ka dhashay qaraxa, warar madax banaan ayaa sheegaya Qaraxan in ay ku dhinteen in  ka badan 8 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Geesta kale, Taliska Booliska ayaan weli xaqiijin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, wallow uu yahay mid aad u badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Yaa ka danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Saaka ka dhacay magaalada Muqdisho (Khasaaraha) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this