Sign in to follow this  
Deeq A.

Carmaladda Cad oo laga baadi-goobayo gobol ka mid h Somalia oo lagu arkay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku jiraan heegan ay uga feejigan yihiin weerar kaga imaada al-Shabaabka ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Gedo.

Saraakiishu waxa ay sheegen in laga cabsi qabo in maleeshiyaadka ay weerar kusoo qaadan Xarumaha maamulka maadaama dagaalyahaano dhan 700 ay gudaha iyo daafaha Gobolka ku sugan yihiin.

C/llahi Axmed oo kamid ah Saraakiisha ayaa sheegay in maleeshiyaadka ku sugan Gobolka Gedo ay sii kordhayaan waxa uuna tilmaamay inay ilaalinayaan Horjoogaha ugu sareeya ee al-Shabaab Axmed Diiriye ‘’Abu Cubeyda’’.

Waxa uu intaa ku daray in lagu soo wargaliyay in Abu Cubeyda ay la socto Haweeneyda u dhalatay dalka Britain ee lagu magacaabo Samantha Lewthwaite “Carmaladda Cad” oo inta badan sanadkan 2016 nolosha ku qaadatay Somalia.

Waxa uu C/llahi Axmed sheegay in Abu Cubeyda, Carmaladda Cad iyo Maleeshiyaadkooda ay ku dhuumaaleysanayaan duleedka dhulka howdka ah ee ku yaala duleedka Gedo.

‘’Abu Cubeyda iyo Carmaladda Cad waxa ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Gobolka, waxaan  ku jirnaa difaac maadaama ay maleeshiyadu baxsad ka yihiin duqeymaha ka socda Gobolada dalka’’

Sidoo kale, Saraakiisha kale ayuu ugu baaqay inay baaraan gaadiidka shacabka iyo kuwa soo gala magaalooyinka waaweyn maadaama ay Carmaladda Cad ku dhex dhuuman karto magaalada.

Dhawaan dowlada Somalia ayaa sheegtay inay baadi-goob ugu jirto Carmaladda Cad oo la sheegay inay ku sugan tahay Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Carmaladda Cad oo laga baadi-goobayo gobol ka mid h Somalia oo lagu arkay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this