Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Golaha Shacabka oo go’aan ka qaatay ansixinta miisaaniyadda 2018-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda hadda socda waxaa ay ansixiyeen miisaaniyadda 2018-ka.

Kulanka waxaa soo xaadiray illaa 164 Xildhibaan, codeyntii la qaaday waxaa ogolaaday 162, 1 Xildhibaan ayaa diiday halka hal kale uu ka aamusay.

Miisaaniyadda 2018-ka, guud ahaan waa :  US$ 274,630,191

Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan:

(B) Kharash-ka joogtada ah:         US$ 260,171,727

(T) Kharashka Raasumaalka:        US$ 14,458,464

Wadarta Guud:                              US$ 274,630,191

Warkan oo Faaf-faahsan, La soco, wararka dambe

The post Deg deg: Golaha Shacabka oo go’aan ka qaatay ansixinta miisaaniyadda 2018-ka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this