Deeq A. Posted December 13, 2017 Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhow waxaa lagu caleema saaray magaalada Haregeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed. Madaxweyne hore Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilkaan wareejiyey, waxaana munaasabaddan ka qeybgalay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid yahay Daahir Riyaale Kaahin oo isna madaxweyne soo noqday. Madaxweyne Biixi ayaa la dhaariyey, waxaana weli soconeysa munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites