Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Codka u Qaadaya Miisaaniyadda Dowladda Ee 2018

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta codka u qaadayaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018.

Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in miisaaniyadda 2018 ay maanta mari doonto akhrintii ugu dambeysay kadibna xildhibaannada ay go’aan ka gaari doonaan.

Maalmihii ugu dambeeyay xildhibaannada golaha shacabka ayaa waday ka doodista miisaaniyadda dowladda ee 2018, waxaana jira dul duleello ay meelaha qaar ka muujiyeen, wallow wasaaradda maaliyadda iyo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrintaasi laga doonayo iney daboolaan meelaha ay xildhibaannada daldalooda ka sheegeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this