Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) lolaha warbaahinta ee lagu joojinayo gudniinka gabdhaha oo ka furmay Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ololaha warbaahinta caalamiga ah ee lagu joojinayo gudniinka gabdhaha (FGM) ee wargeyska Biritishka(The Guardian) ayaa ayaa markii ugu horeysay Wasaaradda Horumarinta Haweenaka iyo Arrimaha Qoyska oo kaashaneysa Hay’adda Ifrah Foundation, Global Media Campaign, Save the Children iyo UNICEF ku daahfurtey Caasimada Dowladda Puntland ee Garowe.

Kulanka oo ahaa mid aad loo soo agaasimey ayna ka soo qaybgaleen Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska, Marwo Marian Ahmed Ali, Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Ee Dowladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Puntland iyo Madax ka kala socotey Hay’adaha Caalamiga ah ayaa ugu horeyn waxaa furtey Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Marian Ahmed Ali oo soo dhoweysay dhamaan ka soo qayb galayaasha ayaa sheeegtay in kulankan loola jeedo laguna barayo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka kala yimid dhamaan gobolada Soomaaliya doorka muhiimka ah ee warbaahinta ka ciyaari karto joojinta gudniinka gabdhaha (FGM.

Wasiirka Marian ayaa sidoo kale sheegtay in gudniinka uu yahay mid dhibaato wayn kuhaya haweenka Soomaaliyeed loona baahan yahay in ladabar gooyo ka Wasaarad ahaan waxay sheegtay in Dowladda Puntland sharciyo ka soo saartey joojinta gudniinka gabdhaha, bulshada deeganada Puntland-na badi ay u hogaasameen sharciyadaas in gabdhaha la gudin lana googeyn lkn ay wali jiraan ku manaan kun oo gabdho Soomaaliyeed oo mara gudniinka gabdhaha sanadkasta ay dadaal dheer ugu jiraan sidii meesha looga saari lahaa gudniinka gabdhaha soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Ifrah Ahmed oo aasaasaha Hay’adda Ifrah Foundation ayaa sheegtey in ay doonayaan in culamadda iyo bahda saxaafadu qayb weyn ka qaataan ololaha lagu joojinayo gudniinka gabdhaha. “Waxaan aaminsanahay in marka gabdhaha laga ilaaliyo gudniinka iyo rabshadaha kale, marka ay dalban karaan xuquuqdooda caafimaad, waxbarasho iyo shaqo waxay noqon karaan wakiilo awood leh oo isbeddel bulshada u horseedi kara” Ayay tiri Ifrah Ahmed.

Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise oo daahfurtey kulanka ayaa sheegay in ololuha joojinta gudniinka gabdhaha uu garowsan yahay doorka muhiimka ah ee warbaahinta danaynayaana in saxafiyiinta iyo culamadda si mug leh ooga qayb qaataan ololaha joojinta gudniinka gabdhaha. Dr’s Hodon ayaa sidoo kale sheegtay in bahda saxaafada iyo culamaddu dadka si isku mid ah u gaarsiinyaan saameynta iyo khatarta la xiriirta gudniinka gabdhaha kana shaqeeyaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen bulshada caadaysatey dhaqankan xun ee gudniinka gabdhaha.

kow.jpg labo.jpg saddex.jpg afar.jpg shan.jpg lix.jpg todobo.jpg 9-3.jpg 10-2.jpg 11-1.jpg 13-1.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this