Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha guud ee ciidanka PSF oo ka hadlay geeridii Cismaan Abshir Cumar (Kabayare)

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Guud ee ciidanka PSF Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, saraakiisha ciidanka PSF iyo dhammaan ciidanka PSF ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cismaan Abshir Cumar (Kabayare) oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo shalay ku geeriyooday qarax miino kula kacday waddada u dhexaysa Galgala iyo Karin.

Waxay Illaahay uga baryeen  Marxuumka in uu janatul firadowsa ka waraabiyo ehelkiisii iyo qaraabadii, ciidankii, dawladda iyo shacbiga Puntland na sabir iyo iimaan ka siiyo.

Ciidamada Puntland nasan maayaan ilaa ay dadkooda iyo dalkoodu helaan nabad buuxda, waxay na ballan ku qaadayaan in ay talaabo adag ka qaadi doonaan cadowga hagardaamada ula taagan ummada Soomaaliyeed.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this