Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Cali Khaliif Galaydh oo sheegay waxa uu ka rabo Muuse Biixi iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online_ – Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ayaa sheegay inuu Rabo Somaliland loo dhan yahay, Isagoona sheegay in loo baahan yahay  in la Fuliyo Heshiiskii uu dhowaan la Saxeexday Somailand.

“Heshiiskii aanu galnay wuxuu u baahan yahay Fulintii,  Waxaanu daacad ka nahay Somaliland loo wada dhan yahay, oo Cidna aysan Cid kale Marti u Noqon,  maamulka Cusub ee Muuse Biixi Waxaanu uga Fadhinaa  inuu Fuliyo Heshiiska “ ayuu yidhi Dr. Cali khaliif.

Dad badan ayaa horey ugu dhaliilay Cali Khaliif inuu u socdo Somaliland, Taasi oo markasta uu Beenin jiray, Waxayse hada u muuqataa inuu  Saldhigtay Hargeisa.

The post Daawo: Cali Khaliif Galaydh oo sheegay waxa uu ka rabo Muuse Biixi iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this