Sign in to follow this  
Deeq A.

BFS oo Go’aan kama danbeyn ah ka qaadan doona Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshan Xaruntooda magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa fadhigooda maanta cod ugu qaadi doona Miisaaniyadda dowladda ee sanada 2018 oo maalmihii dambe ay dood adag ka lahaayeen.

Xildhibaanada ayaa codkooda ku meelmarin doona miisaaniyada, waxaana xusid mudan in Guddiga Maaliyadda iyo Wasaarada Maaliyadda ay dhabarka u dhigan doonaan cabashooyinka weli ka taagan miisaaniyada.

Guddiga iyo Wasaarada Maaliyada ayaa ku qasbanaan doona inay qaatan cabashooyinka taagan iyagoo qaadan doona dhammaan dhaliilaha ay jeedinayaan Xildhibaanada.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in maanta oo arbaca ah miisaaniyada 2018 ay mari doonto akhrinta ugu danbeysa.

Dhinaca kale, Miisaaniyadan ayaa la filayaa in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ku shaqeyn doonto sanada soo socta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post BFS oo Go’aan kama danbeyn ah ka qaadan doona Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto DFS appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this