Sign in to follow this  
Deeq A.

Halis cusub: Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dhexqabtay Jaamacad caan ah oo ku taala magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa maaanta howlgal ka dhex fuliyay gudaha Jaamacadda Plasma ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Ciidamadan oo watay ilaa Seddex gaari ayaa gudaha u galay Jaamacadda waxa ayna halkaa kala soo baxeen laba arday oo la sheegay inay ka tirsanaayen maleeshiyaadka al-Shabaab balse ku dhuuman jiray inay arday yihiin.  Labada ruux ay lasoo baxeen ciidamada ayaa la xaqiijiyay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay u qaabilsanaan jireen basaasida Shaqaalaha ka tirsan dowlada ee dhigta Jaamacadda, iyagoo xiliyada qaar ay fulin jireen dilalka looga maarmi waayay, sida laga soo xigtay mid kamid ah Askarta howlgalka fulineysay. Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socday ardayda ku wargalinaayay inay is dajiyaan isla markaana u jeedkooda uu yahay shaqsiyaad kooban.

 

Sidoo kale, ciidamada howlgalka ku guda jiray ayaa waxaa wehlinaayay kuwo kale oo la sheegay in iyaguna ay baarayeen shaqsiyaadka kale ee laga shakiyo. Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa ku dhex dhuunta meel waliba oo ay u shaqo doontaa shacabka, iyadoo sababta lagu sheegay inay ka dhiganayaan Kofar. Dhinaca kale, waxaan ilaa iyo hadda howlgalkaan aan faahfaahin ka bixin Saraakiisha Hay’adda Amniga ee dowlada Federaalka.

 

 

Source: Caasimada.net

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this