Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii Miino Baarista Puntland oo lagu dilay Qarax culus & Saraakiil kale oo ku dhaawacantay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta Qarax lagu dilay Madaxii Miino Baarista Puntland Col. Cisman Abshir ‘’Kabayare’’.

Col. Kabayare, ayaa ku dhintay Qarax tan weyn oo loogu aasay agagaarka buuraaleyda Galgala ee gobolka Bari, xili uu ku sugnaa fariin ay ciidamada ku leeyihiin aaga.

Col. Kabayare, ayaa xiliga Qaraxa ku howlanaa howlgal lagu soo saarayay Miinada Qaraxday oo u muuqatay mid isaga iyo ciidamo la socday loo aasay.

Col. Kabayare, ayaa waxaa markii hore soo gaaray dhaawac culus oo markii danbe soo dadajiyay geeridiisa, waxa uuna Qaraxa ka haleelay dhammaan oogada jirkiisa.

Hay’adaha amaanka maamulka Puntland ayaan weli ka hadal Qaraxa lagu dilay Col. Kabayare, waxaana jira warar kale oo sheegaya inuu jiro dhaawac culus oo soo gaaray Saraakiil kale.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ka dhaca aaga Galgala ayaa waxaa inta badan ka danbeeya Kooxda Daacish iyo Al-shabaab oo halkaa ku leh Saldhigyo dhowr ah oo ay ku dhuuntaan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

The post Madaxii Miino Baarista Puntland oo lagu dilay Qarax culus & Saraakiil kale oo ku dhaawacantay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this