Deeq A. Posted December 12, 2017 In ka badan 10 maxbuus oo ku Xirnaa jasiirada Seychelles ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka, Waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare. Maxabistani ayaa 6 ka mid ah xabsiga Ku dhameysan doona dalka halka Qofka dodobaad la sii dayay oo uu mudada xabsiga uu soo dhameystay. Taliyah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa shegay in tallaabo Wagansan ay tahay in dalka dib loogu Soo celiyo maxabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka. Xeer-ilaaliyah Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Dahiir oo halkaasi ka hadlay ayaa Xusay in Maxabiis kala khamiista ay ku soo Wajhanyihiin dalka si dalkooda ay ugu dhamestaan Xukunnada u dhiman. Wasiirka Cadaalada Xukumada Fadraalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaaladda oo kaashaneyso Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda arimaha dibadda ay ku mashquulsanyihiin in dalka loogu soo celiyo maxabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites