Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya oo maanta kormeeray ciidanka Daraawiishta Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa maanta kormeer ku tagay xerada 54-aad, ee duleedka Garowe, halkaasi oo xarun u ah ciidanka Daraawiishta Puntland.

Kormeerkaan oo ay qeyb ka tahay wasaaradda gaashaandhiga. ayaa taliyaha ciidanka wuxuu kula dardaarmayay ciidanka Daraawiishta Puntland oo qeyb ka ah ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, isagoo uga mahad celiyay dhabar adayga ay ku shaqeynayeen illaa iyo burburkii kadib.

Taliye Cabdiweli Gorod, ayaa sheegay Puntland inay noqonayso meesha ugu horeysa ee ay ka bilaabayaan dhismaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo isku dhafka ciidamada.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa ku baaqay ummadda Soomaaliyeed inay is cafiyaan islamarkaana la isku celiyo hantida lagala haysto raali galina lasiiyo dadkii hantidaas laga haysto.

Halkaan ka dhegayso codka taliyaha.

      Z0000045 - My Recording

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this