Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Gaarigii Xalay lagu duqeeyey deegaanka Mubaarak oo noqday Gaari Homey ay Khudaar ku rarneyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Mubaarak (Caasimadda Online) – Warbaahinta Al Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen Sawiro muujinaya gaari Homy ah oo lala beegsaday Duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose.

Duqeynta ayaa lala eegtay gaari noociisa uu yahay Homy oo Khudaar ka soo qaadi rabay duleedka Deegaanka Mubaarak, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Diyaarad nooca Drones-ka ah ayaa gantaal ku dhufatay gaarigaan oo yaalay beer dhexdiisa, xilli uu ku rarnaa Khudaar loo soo waday Magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegayaa in duqeyntaasi uusan ka dhalan wax khasaare nafeed oo soo gaaray dadkii lahaa Baabuurkaasi.

Darawalka Baabuurka iyo Kirishbooygii Baabuurka ayaa la sheegay inay ku maqnaayeen Magaalada gudaheeda, halkaasi oo ay u jiif doonteen sida Warbaahinta Shabaab ay sheegtay.

Illaa hadda ma jirto cid ka hadashay duqeyntaasi oo sheegatay masuuliyadeeda, balse duqeymaha rayidka waxyeelada ka soo gaarayaan ayaa ku soo badanaya Gobolka Shabellaha hoose.

Mubaarak-1.jpg?resize=696%2C522&ssl=1Mubaarak-2.jpg?resize=696%2C522&ssl=1Mubaarak-4.jpg?resize=696%2C522&ssl=1Mubaarak-3.jpg?resize=696%2C522&ssl=1Mubaarak-5.jpg?resize=696%2C522&ssl=1Mubaarak-6.jpg?resize=696%2C522&ssl=1Mubaarak-7.jpg?resize=696%2C522&ssl=1Mubaarak-8.jpg?resize=696%2C522&ssl=1Mubaarak-9.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

The post Sawirro: Gaarigii Xalay lagu duqeeyey deegaanka Mubaarak oo noqday Gaari Homey ay Khudaar ku rarneyd appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this