Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadaado oo diidan midnimada Galmudug iyo hal arrin oo ay ka samri la’dahay weli!!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimadda Online) – Dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa heshiis taariikhi ah ku saxiixday Maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir iyo Maamul Goboleedka Galmudug ee uu Calanka u hayo Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Heshiiskaas qodobada ugu muhiimsanaa waxaa kamid ahaa in Sheekh Maxamed Shaakir la siiyo Xilka Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada Galmudug, In Caasimadda loo soo raro Dhuusa Mareeb iyo in Baarlamaanka laga siiyo xubno cusub.

Haddaba heshiiskaas waxay u cuntami weysay Magaalada Cadaado oo muddo laba sano ah si kumeel gaar ah u heysay xilka Caasimadda Galmudug.

Cadaado oo diidan Midnimada Galmudug!

Beesha Dagto Magaalada Cadaado ee Reer Xaaji Saleebaan ayaa si rasmi ah uga hor imaaday heshiiska ay gaareen Madaxweyne Xaaf iyo Maamulka Ahlu Sunna, waxaana jiro khilaaf weyn oo  soo kala dhex galay Madaxweyne Xaaf iyo reerka dagan Magaalada Cadaado.

Beesha Saleebaan ayaa ku doodeyso inaysan qaadan karin in Beesha Ceyr la siiyo xilka Ra’isulwasaaranimo iyo Caasimadda Galmudug.

Beesha ayaa ku hanjabtay haddii uusan Xaaf heshiiskaan ka laaban inay dib usoo dhisan doonaan maamulkii ay caanka ku ahaayeen ee Ximin iyo Xeeb.

Waxaa Magaalada Cadaado ka socdo kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeyo Madaxweynaha Galmudug iyo Siyaasiyiinta Beesha Reer Xaaji Saleebaan, waxaana muuqato inaysan Cadaado diyaar u aheyn inay ka samarto Caasimadda markii horeba sida kumeel gaarka ah loogu dhiibay oo ay mooday inay rasmi tahay si uu Maamulka Galmudug u noqdo mid dhameystiran oo sameysto kaabayaashii dhaqaale.

Maxay rabtaa Cadaado?

Magaalada Cadaado waxay ku doodeysaa inaysan heysan wax xil ah, waxay taagan tahay Beesha Sacad Waa Madaxweyne, Ceyr waa Ra’isulwasaare iyo Caasimadda Maamulka, Mareexaan waa Madaxweyne ku xigeen, Mursade waa Guddoomiyaha Baarlamaanka aaway xilkii Beesha Saleebaan!!!.

Mid kamid ah Xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Caasimadda Online isla markaasna ka gaabsaday in magaciisa lagu xuso warbixintaan ayaa sheegay in mudadii labada sano aheyd oo ay Ahlu Sunna maqneyd inay arrintaas sabab u aheyd Magaalada Cadaado oo aan marnaba rabin in Caasimadda Galmudug laga qaado maadaama ay ku qabto dheef badan.

Wuxuu Xildhibaankaas sheegay inay Cadaado mar kasta ka shaqeyn jirtay inuu burburo heshiisyada lala bilaabo Ahlu Sunna.

Dastuurka Galmudug muxuu leeyahay?:

Dastuurka Galmudug waxaa ku qoran inay Caasimadda rasmiga ah ee Galmudug tahay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, sidoo kalana xeer hoosaadka ayaa ah inay Beesha Sacad madaxweyne noqoto afarta sano ee bilowga ah, afarta sano ee soo socotana ay Saleebaan madaxweyne noqdaan.

Go’aanka Madaxweyne Xaaf:

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa odayaasha, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Beesha Reer Xaaji u sheegay inuusan marnaba ka laaban karin heshiiska uu Ahlu Sunna la galay, wuxuuna taas badalkeeda sheegay inuu gebi ahaanba iska casili doono xilkaas isla markaasna uu Bulshada Galmudug u sheegi doono inaysan Cadaado dooneyn midnimada Galmudug, waxaana go’aankaas Caasimadda Online u xaqiijiyey xubin ka tirsan Galmudug oo si weyn ugu dhow madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa ku doodayo inuu isaga awoodiisa qeyb kamid ah bixiyey si ay Galmudug u noqoto hal mid, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay inay Saleebaan Maanta is hor istaag ku sameeyaan Midnimada Galmudug.

Ahlu Sunna ma qabiilaa Mise Koox?:

Ahlu Sunna Wal-jameeca waa koox diimeed kasoo baxday Gobolka Galgaduud markii Ururka Al-Shabaab dhibaato badan oo dhanka Diinta ah u geysteen shacabka iyo Culumada halkaas ku dhaqan.

Ahlu Sunna maahan qabiil sida ay dadka qaar aaminsan yihiin, balse waa koox diimeed ay ku mideysan yihiin beelo badan oo dago Gobolada dhexe sida aad ka dareemi karto habka ay u qeybsadeen Maamulka Gobolada dhexe ee uu Madaxweynaha u ahaa Sh. Maxamed Shaakir.

Galmudug maxay u baahan tahay?:

Maamulka Galmudug oo muddo badan ka cabanayey Khilaaf iyo maamul xumo wuxuu hadda u baahan yahay midnimo waxaana arrintaas markii ugu horeysay meel dhow keenay Madaxweyne Xaaf oo go’aansaday inuu awoodiisa qeyb kamid ah kusoo xareeyo Ururka Ahlu Sunna oo muhiim u ah Galmudug ciidan ahaan, deegaan ahaan iyo Maamul ahaan intaba.

Cadaado bis miyaa diidan heshiiska Ahlu Sunna iyo Xaaf?

Sida aan xogta ku heleyno Beesha Saleebaan oo kaliya ayaa is hor istaag ku sameeneyso heshiskaas illaa iyo hadda, mana jirto beel kale oo diidan heshiiskaas danta weyn ay ugu jirto deegaanada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Cadaado oo diidan midnimada Galmudug iyo hal arrin oo ay ka samri la’dahay weli!!! appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this