Sign in to follow this  
Deeq A.

Engineerada shirkada dhisaysa wadada Dangorayo iyo Eyl oo gaaray tuulada Qarxis.

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarxis (Puntlandi) Engineerada shirkada CCECC ee dhisaysa wadada laamiga ah ee isku xiridoonta degmooyinka Dangorayo iyo Eyl ee kawada tirsan gobolka Nugaal, ayaa gaaray tuulada Qarxis, halkaas oo ah xarunta howlgalka dhismaha wadada.

Dadka degaanka ayaa gacmo furan kusoo dhoweeyay

Qalabkii Wadada lagu dhisi lahaa ayaa sidoo kale soo gaaray Puntland, iyadoo la filayo in si rasmi ah wadada dhismaheeda loo bilaabo.

Dhinaca kale, Kulamo ayaa maanta tuulada Qaris waxaa ku yeelandoona masuuliyiinta shirkada iyo waxgaradka degaanka, si looga arrinsado habsami usocodka dhismaha wadada iyo in meesha laga saaro wax kasta oo carqalad ku keeni kara howsha socota.

Taliyaha la dagaalanka argigixisada Puntland, Gen, Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa sidoo kale ku sugan Qarxis, isagoo halkaas u tagay inuu dadka degaanka kala hadlo nabad gelyada iyo inaanan shaqaalaha wadada dhismaya lagu sameynin wax nabad gelyadooda wax u dhimi kara.

Dhismaha wadada laamiga ee Dangorayo iyo Eyl, ayaa haddii lagu guulaysto noqondoono mid kamid ah horumaradii ugu weynaa ee ka gaarto horumarinta kaabayaasha bulshada.

25289652_2018725438405573_68685023741831 25289194_2018725555072228_50310863794840 24910044_2018725601738890_60599340539171

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this