Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka warbixiyay booqasho uu ku tagay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe ( Sh. M. Network ) -Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamaca Xuseen “Gorod” oo Shalay booqasho ku tagay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka Warbixiyay u jeedada safarkiisa.  Waxaana uu sheegay in Socdaalkiisa uu la xariiro kulamo gaar ah oo uu la qaadanayo saraakiisha Ciidamada  iyo Madaxda Maamulkaasi. Taliye Gorod ayaa xusay in ay ka wada hadli doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ay wado abaabulkiisa Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa hoosta ka xariiqay in wax lagu farxo ay tahay hormarka ay gaartay Puntland oo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejisay ku dhaawaad 2500 oo Askari, kuwaas oo ka qeyb qaadanayo dagaalka Al Shabaab.

 

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/12/Fatjoy-1-3.mp3

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this