Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad duqeyn la kawsatay Saldhig & Gaari ay Shabaabka ku rareen Qaraxyo tan culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in habeenimadii xalay ay duqeyn culus ka dhacday degaanka Mubaarak ee G/Sh/Hoose.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la xaqiijiyay in lala beegsaday Saldhig ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku lahaayen deegaanka Mubaarak.

Saldhiga lala eegtay duqeynta ayaa waxaa ka socday kulan ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku dajinayeen weeraro lid ku ah dowlada Somalia, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa lagu dhuftay ilaa Seddex gantaal.

Mid kamid ah gantaalada ay riday diyaarada ayaa lala eegtay gaari nooca loo yaqaan Caasiga oo maleeshiyada ay kusoo xirtay Qaraxyo tan culus.

Gaariga lagu dhuftay gantaalka ayaa kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqdhaqaaqiisa uu ahaa mid ay la socdeen diyaaradaha Mareykanka.

Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabellaha Hoose, ayaa hada waxaa maamula maleeshiyaadka al-Shabaab, kadib markii dagaal u dhexeeyay ciidamada xoogga iyo al-Shabaab uu ku dhexmaray halkaasi, isla markaana ay la wareegeen degaankaasi Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose ayaan weli ka hadal duqeynta xalay ka dhacday degaanka Mubaarak.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Diyaarad duqeyn la kawsatay Saldhig & Gaari ay Shabaabka ku rareen Qaraxyo tan culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this