Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo iska fogeysay warbixin Qaramada Midoobay kasoo baxday oo ku saabsan duqaymaha ay ka geystaan Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya.jpg

Dowladda Kenya ayaa dood ka keentay eedeymo ku aaddan warbixin cusub oo Qaramada Midoobay kasoo baxday oo sheegaysa in ciidamadooda ay mas’uul ka yihiin khasaaraha 40 dhimasho rayid ah oo ka dhacay Soomaaliya intii lagu jiray 22-kii bilood ee ugu dambeysay.

Warbixinta oo daaha laga qaaday Axaddii sheegtay in weerarrada hawada ay fulinayaan Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) “lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen khasaaraha 42 qof oo rayid ah, 36 dhimasho iyo lix dhaawac ah.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM, ayaa wadajir u soo ururiyay warbixintaan, oo ciidanka milatariga Kenya ku eedeeysay inay weeraradooda ka dhanka ah Shabaab waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this