Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo si kulul uga jawaab celisay qoraal kasoo baxay QM oo lagu sharaxay xasuuq ay geysteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa si kulul u baahisay qoraal kasoo baxay QM oo lagu sheegay in ciidamada Kenya ay xasuuq u geysteen dad shacab ah muddo laga joogo 22 bil oo xiriir aheyd.

Kenya ayaa sheegtay inaanu waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidamadeeda ay mas’uul ka yihiin dhimashada 36 ruux oo rayid.

Kenya ayaa tilmaantay in warbixinta QM ay sii ifineyso carqalad amni oo ay Somalia ka qaado Kenya, waxa ayna ku baaqday in cadeymo loo keeno dilka dadkaasi rayidka ah.

Warbixinta QM oo lasoo saaray maalintii Axada ee lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu sheegaya in tirada dadka dhintay ay sababsadeen weerarada hawada oo ay geystaan diyaaradaha Kenya.

Qoraalka QM ayaa ahaa in guud ahaan khasaaraha ay geysteen diyaaradaha Kenya ay aheyd 42 qof oo rayid ah ‘’36 qof oo ay ku dhinteen iyo 6 dhaawacantey’’.

QM ayaa Kenya ku eedeysay in weerarada qaar ay u geystaan si ula kac ah, taa oo ugu wacan walaaca ay ka qabaan dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ah ee al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale kudoodeeysa in ay Sameeyso Taxadar kasta oo lagama maarmaan u ah in Dad ka shacab ka ah la ilaaliyo marka ay Howlagaladda ku jiraan Ciidamadeedu.

Si kastaba ha ahaatee, Dad ka Soomaaliyeed ee dagan Goboladda Gado iyo Jubadda Hoose ayaa marti galiya weerarro duqaymo ah oo ay fuliyeen Ciidamdda Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Kenya oo si kulul uga jawaab celisay qoraal kasoo baxay QM oo lagu sharaxay xasuuq ay geysteen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this