Deeq A.

Farmaajo off to emergency OIC meeting in Istanbul

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta magaalada Istanbuul ee cariga dalka Turkiga u ambabaxay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminaayay.  Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa in magaalada Istanbuul ay uga qeybgalaan shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyay OIC.  Shirkan ka furmaaya magaalada Istanbuul oo xiisa gaara leh ayaa waxaa looga arrinsanayaa Go’aanka uu magaalada Qudus Madaxweynaha Mareykanka Trump ugu wareejiyay caasimada Israel. Shirkan ayay dowladaha Muslimka ah go’aan kaga gaari doonaan Mowqifka uu Trump Qudus ugu hibeeyay magaalad Qudus oo ay leeyihiin falastiiniyiinta.

 

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa shirkan ku dhawaaqay 6dii bishaan si ay Madaxda wadamada Muslimiinta ah isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.  Sidoo kale, qorshaha shirkaan ayaa ah inuu bilaabto maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Dhinaca kale, Madaxda dalalkan ayaa la filayaa in shirkooda ay kasoo saran Mowqif mideysan oo lid ku noqon doona Madaxweyne Trump iyo Israel.

 

Source: Caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.