Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye Gaaboow killed in a car bomb

Recommended Posts

Deeq A.   

F22602F7-6C59-4622-AD4B-78A69FC83B37_w10

 

Qarax lagu soo xiray Gaari ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kaa oo la sheegay in loogu xiray mid kamid ah Weriyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lasoo warinayaa in Gaariga loogu xiray Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka tirsanaa Wariyeyaasha ka howlgala Tv-ga Kalsan. Xiliga Qaraxa Wariyaha ayaa maraayay Suuqa Kaluunka ee Degmada Wadajir, waxa uuna u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray Qaraxa. Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in marxuumka ay xiliga Qaraxa uu wehlinaayay Weriye kale oo lagu magacaabo C/fitaax Bidaar iyo laba canug oo uu dhalay Wariyaha marxuumka ah. Wariyaha iyo labada Carruur ee la socday allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Gaabow ayaa ka badbaaday Qaraxa, keliya waxa uuna saameeyay goobta uu marxuumka ka fadhiyay Gaariga.

Sidoo kale, Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray qeybta dambe ee Kursiga Darawalka waxayna taasi ay sababtay in qaraxa uu ka haleelo qeybaha sare iyo qeybaha dhexe ee jirkiisa, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu kala go’ay Marxuumka dhintay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this