Sign in to follow this  
Deeq A.

Miinooyin Laga Soo Saaray Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya garoonka kubadda cagta Banaadir ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa miino baarista ay ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin lagu aasay afafka hore ee garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in miinooyinka lagu aasay albaabka weyn ee garoonka banaadir,waxaana lagu guuleystay in laga soo saaro iyadoo aan qarxin.

Dhanka kale ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka soomaliya iyo kuwa amisom ayaa howgal kawada gudaha garoonka koonis.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili galabta ay wada balansan yihiin ciyaartoyda kala matalaysa Galmudug iyo gobolka banaadir.

Sidoo kale xiriirka kubada cagta soomaaliyeed ma shaacin in dib loo dhigay ciyaartaas.

PUNTLAND POST

The post Miinooyin Laga Soo Saaray Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this