Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo laba Sano ku kordhiyay howlgalka cirka ah ee uu ka wado Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay la dagaalanto islaamiyiinta hubeysan ee ku sii xoogesanayo Soomaaliya labada sano ee soo socota.

Taasi waxay ku cadeyneysaa qorshe madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay, qorshahaan cusub ayaa bishii October la saxiixay waxayna wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ay dooneysaa in uu ka awood sareeyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka taas oo mararka qaar awood u leh inay joojiso weerarada lagu qaadayo meelaha banaanka ka ah dalka Mareykanka.

Sharci cusub oo Bishii October ee la soo dhaafay la saxiixay ayaa Ciidanka Mareykanka u oggolaanaya in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya loogu oggolyahay in ay sii wadi karaan muddo ka badan Labo sano oo soo socota.

Marc Raimondi oo ah Afhayeenka Golaha amniga Qaranka Mareykanka ayaa u sheegay Newyor Times in howlgalka lagu beegsanayo AL-shabaab iyo Dacish ee Soomaaliya uu sii socon doono labada sano ee soo scota.

“Maddooneyno in aan qorshaheenna iyo siyaasadaheenna la dagaallanka Argagixisada baahinno,waxaanse kuu sheegayaa in howlgalka lagu kordhiyay waqti cusub islamarkaana noo oggolaanaya in aan beegsanno kuwa qatarta ku ah amnigeenna”ayuu yiri Marc Raimondi intii uu wareysiga siinayay Newyork Times.

Haddii qorshan uu anisixiyo Golaha xeer dejinta Mareykanka waxaa ay Wasaaradda difaaca lumin kartaa awooddeeda in ay hakad geliso weerar uu fasaxay Pentagon-ka ayaa lagu yiri Warbixintan.

Hayeeshee Wasaaradda Gaanshaandhigga waxaa ay wali awooddaa joojinta weerarrada qaar iyada oo kulamo deg deg ah la yeelaneysa Golaha amniga Qaranka ee Dalka Mareykanka.

Wasaaradda gaashaadhigga ayaa fulisay 30 weerar oo ka dhan Islaamiyiinta ayaa lagu yiri warbixintaani 2017 oo kaliya,  waxaana la filayaa tiradaasi in ay sii badato maadaama ay ka badantahay tii 2016 ka uu Mareykanka uu Soomaaliya ka geystay.

Weerarada waa ay kordhi doonaan 2018 haddii qorshahaan cusub la ansixiyo,  waxayna tani qeyb ka tahay qorshe Mareykanku uu ku doonayo gaar ahaan golaha ammaanka qaranka inay sii wadaan weerarada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in labada sano ee soo socota markii ay weeraradaasi dhacaan ka dib la sameynayo wixii uga soo baxo Mareykanka dib u eegis lagu sameyn doono,dib u eegistaas oo mareykanka kaliya ka imaan doonto oo aan loo adeegsan doonin cid banaanka ah Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo laba Sano ku kordhiyay howlgalka cirka ah ee uu ka wado Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this