Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ku dhowaaqay inuu labo sano oo dheeraad ah sii wadayo dagaalka Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka ayaa qorsheyneysa in ay la dagaallanto argagixisada Soomaaliya ku sugan ugu yaraan laba sano oo dheeraad ah, sida uu qeexayo sharci cusub oo uu saxiixay Madaxweyne Donald Trump.

Sharcigaan cusub oo la saxiixay Bishii Oktoobar ayaa u oggolaanaya Pentagon in ay ka howlgalaan meelo ka baxsan goobaha dagaalka ee joogtada ah, si ay u sii wadaan weerarada al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan Soomaaliya muddo sanado ah.

Pentagon ayaa qaaday 30 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah kooxaha argigixisada ilaa sannadkan 2017, waxayna tiradaan labo jeer ka badan tahay tirada sanadkii hore 2016-ka.

Sannadka 2018 ayaa la filayaa inay weeraradu kasii badan karaan haddii soo-jeedinta cusubi hesho oggolaansho.

Marc Raimondi, oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, ayaa u sheegay wargeyska The New York Times: “Waxaan dooneynaa inaan sii wadi doonno siyaasadaheena bartilmaameedsanaya argagixisada noo hanjabaysa,

“Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu qaato daryeel aan caadi ahayn oo lagu yaraynayo dhimashada dadka rayidka ah, iyada oo wax laga qabanayo baahida milatari ee ka dhexjirta cadowga.”

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this