Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeneey Katirsaneyd Ciidamada Booliska oo Lagu Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Koox Hubeeysan ayaa Xaafadda Jaamacadaha Degmada Hodan ee Muqdisho xalay ku dilay Haweeneey katirsaneyd ciidamada Booliska dowlada Soomaaliya.

Allaha u naxariistee haweeneeydaan ayaa lagu magacaabi jiray Ridwaaan Salaad waxaana ay aheyd haweenka dhalinyarada ah ee ku jira ciidamada Booliska dowlada Soomaaliya.

Dilka Haweeneeydaan ayaa waxaa geeystay kooxo bastoolado ku hubeeysan oo gudaha u galay hooyga ay ku sugneyd Ridwaan kadibna rasaaas dhanka sare ee jirkeeda uga dhuftay.

Kooxihii dilkaasi geeystay ayaa isaga baxsaday goobta waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka oo howlgalo ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo loo geeysanayo dadka la shaqeeya dowlada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Haweeneey Katirsaneyd Ciidamada Booliska oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this