Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirar aan kala go laheyn oo ka socda magaalada Kismaayo & Hal arrin oo weli la isku fahmi la’ yahay (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka socda shirar aan kala go laheyn oo looga arrinsanaayo dhaqdhaqaaqa ay maleeshiyaadka al-Shabaab kawadaan Gobolka Gedo iyo qeybo kamid ah deegaanada duleedka ka ah magaalada Kismaayo.

Shirarkan oo u dhexeeya Madaxda Hay’adaha amaanka iyo Saraakiisha hogaamisa ciidamada Hubeysan ayaa waxaa lagu dajinayaa qorshaha ugu sahlan ee looga hortagi karo dhaqdhaqaaqa ay wadaan al-Shabaab.

Madaxda Hay’adaha amaanka oo iyagu culeys kala kulmaaya Hogaamiyaha maamulka ayaan weli dhinac iskula ridin hanaanka ay uga hortagi lahaayen dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ee kusii baahaaya deegaanada Jubbaland.

Madaxda Hay’adaha ayaa la soo sheegayaa inay isla garan la’ yihiin hal arrin oo ah Hanaanka uu u dhici lahaa howlgalka lagu fashilin lahaa dhaqdhaqaaqa socda, waxaana xusid mudan in arrinkaas uu fashiliyay mooraalka ay lahaayen Saraakiisha hogaamin laheyd ciidamada.

Halka arrin ee meesha ka saaray isfahanka ayaa la sheegay inuu yahay in howlgalkaas laga qeybgaliyo ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya iyo Ethiopia iyo in loo madaxbaneeyo keliyah ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale, Saraakiisha iyo ciidamada ayaa u xaniban go’aanka la filaayo inuu kasoo bixi doono shirarka u socda Madaxda Hay’adaha amaanka, wallow uu arrinku u muuqda mid aan looga maarmi doonin Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee, shirarkan socda ayaa kusoo beegmaaya xili muddo ku dhow laba Asbuuc qeybo ka tirsan Gobolka Gedo uu ku sugan yahay Horjoogaha ugu sareeya al-Shabaab iyo Maleeshiyaad aad u farabadan oo uu Hogaaminaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

The post Shirar aan kala go laheyn oo ka socda magaalada Kismaayo & Hal arrin oo weli la isku fahmi la’ yahay (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this