Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeymo lixaad leh oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose & Khasaaro kala duwan oo kasoo gaaray al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolka ay ka dhaceen duqemo diyaaradeed oo khasaaro kala duwan geystay.

Duqeymaha oo xooganaa ayaa waxa ay ka dhaceen Degmada Qoryooleey oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Cali Maxamed Aadan ‘’Cali Waaq’’ oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee degmada Qoryoley ee Gobalka Shabeelada Hoose, ayaa xaqiijiyay duqeyntaas ka dhacday Degmada Qoryoley.

Waxa uu sheegay in duqeynta xoogeeda ay ku soctay Saldhigyo qarsoodi ah oo ay lahaayen Alshabaab waxa uuna cadeeyay in maleeshiyada intooda badan laga saaray Degmada.

’Cali Waaq, wuxuu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaan 45-KM ujirta degmada Qoryooley, taasi oo uu sheegay ilaa hadda inaanan laga heyn warbixin buuxda, balse ay jiraan khasaarooyin kala duwan.

Macluumaad aan si rasmi ah loo xaqiijin oo ay helayaan ayuu sheegay inay muujineyso in khasaaraha uu kor u dhaafayo 15 oo ay ku jiraan dhimasho iyo dhaawac oo Horjoogayaal iyo maleeshiyaadba leh.

Wuxuu sheegay in hada ay wadaan baaritaanada la xiriira Duqeyntaaasi iyo sidii ay u soo bandhigi lahaayeen khasaaraha rasmiga ah ee khashay Duqeynta.

Dhinaca kale, duqeyntaan ayaa daba socta duqeymo dhowr ah oo maalmahan ka dhacaayay qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

The post Duqeymo lixaad leh oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose & Khasaaro kala duwan oo kasoo gaaray al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this