Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo isku deyaya in la baabi’iyo xadka ka noqoshada diinta Islaamka!

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada oo hoostagta wasaaradda gaashaandhigga ee Sucuudiga ayaa ku baaqday in la qabanayo dood cilmiyeed isugu jirta dhinacyada Fiq-higa iyo Fahamka, taas oo ku saabsan sidii meesha looga saari lahaa xadka Islaamku u  jideeyey qofkii ka baxa ama ka noqda Diinta Islaamka, kaas oo ah dil kaddib marka qofka ka noqday Diinta Islaamku si ku talagal ah u diido in uu ku soo noqdo Diinta Islaamka.

Capture1.png?resize=594%2C317

Capture1.png?resize=594%2C317&ssl=1Baaqa Xaruntan la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ayaa muran iyo falcelin weyn ka dhex aloosay muwaadiniinta Sucuudiga, iyada oo ay jiraan dad si adag u dhalleeceeyey iyoo kuwo taageersan soo bandhigidda aragtidan.

Boggeeda  rasmiga ah Twitter-ka ayay xarunta ku shaacisay dhowr qoraal oo taxane ah in uusan jirin ama uusan sugnayn in Nabi Maxamed uu dilay qof ka laabtay Islaamka (Murtad), sidaas oo kalana aan la heleyn wax ay isku raaceen aqoon yahanka Islaamka oo ku saabsan arrintan oo ah mid la xiriirta dhanka Sharciga.

Capture2.png?resize=603%2C324

Capture2.png?resize=603%2C324&ssl=1Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ee raacsan Wasaaradda DIcaafa ee Sucuudiga ayaa sheegtay in fahamka guud ee caanka ah ee laga qaatay xaddiiska(“من بدل دينه فاقتلوه“), uu yahay mid ay ku talaxtageen ballaarintiisa iyo macno- u raadintiisaba dad qaba aragtida xagjirka ah oo sida lagu sheegay qoraalka xarunta gaaleysiiya qof walba oo ka hor yimaada aragtidooda.

BBC Arabic; ayaa daabacday warkan iyada oo soo xiganeysa Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ee raacsan Wasaaradda DIcaafa ee Sucuudiga.

Xarunta la dagaalanka Fikirka xagjirnimada ee raacsan Wasaaradda DIcaafa ee Sucuudiga ayaa isku deyeysa in ay fahamka Xadiiskan u sameyso macno kale oo ah in loola jeedo ereyga qofkii Beddela:- “Qofkii sida Rabbi wax u jideeyey leexiya oo si kale u sameeya ama isku daya n uu sharciyeeyo wax ka dhan ah sida Alle u sharciyeeyey

Inkasta oo ay jiraan madax ka tirsan boqortooyada Sucuudiga oo aad uga walaacsan arrintan cusub haddana waxa jira Isbeddel weyn oo ku socda habka Boqortooyadu u dhaqanto, iyada oo hoggaanka Sucuudigu isku deyayo in uu ka  guuro maalgelinta aragtda Wahaabiga oo ay ku sheegeen in ay tahay mid aad u qallafsan.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com

The post Sacuudiga oo isku deyaya in la baabi’iyo xadka ka noqoshada diinta Islaamka! appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this