Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Dowladda Puntland oo u digtay hay’addo ku shaqeysta inay abuuraan kufsi been ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo maanta magaalada Garowe kaga qaybgalay shir looga hadlayey tacadiyada kadhanka ah haweenka ayaa digniin u diray hayadda shisheeye iyo kuwa maxaliga ah.

Eng,  Camey ayaa hay’addaha uga digey inay abuuraan kiisas been abuur ah oo la xiriira tacadiyada ka dhanka ah ee kadhaca Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

“Waayahaan dambe waxaa soo kordhay hay’addo u sacabo tumaya inay dumarka lacag ku siiyaan kufsi been ah inay sheegtaan, Annagu ka Puntland ahaan in kufsi dhacay la qariyo ma ogolin, laakiin waxaa loo baahan yahay inaan runta laga been sheegin oo sumcada dalka lagu ciyaarin,,” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay inay marar badan dhacday falal ama kiisas lasoo oogey kadib baaritaan lagu sameeyeyna beenoobey, taasina aysan u wanaagsanayn sumcadda dalka.

Waxa uu sheegay in wixii jira aan la qarin haseyeeshee la doonayo mas’uuliyad laiska saaro sidii sumcadda dalka loo dhowri lahaa loogana dheeraan lahaa falalka xaqiiqda ka durugsan.

Halkaan ka dhegayso codka Camey.

      Camey-Kufsi

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this