Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso Magacayada dadkii ay Diyaaradaha Mareykanka ku laayeen Farsooley Ee Sh/Hoose + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Farsooley (Caasimadda Online) – Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa shacab Soomaliyeed ku laayay deegaanka iimeey oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaliya.

Duqeyntaas oo ka dhacday dhul baadiya ah oo hoos yimaad deegaanka Farsooley waxaa lala beegsaday isku imaatin xilligaas ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Qaar katirsan Meydadka dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay Farsooley ayaa isla deegaanka lagu aasay waxaana warbaahinta uga warbixiyay wixii dhacay Ugaaska Beesha Garre oo sheegay in dadka la laayay ay ahaayeen shacab xoola dhaqata ah oo kasoo jeedo beesha Garre.

Hoos ka akhri qaar katirsan Magacyada dadkii lagu dilay duqeynta

1.Macalin Cabdow Fiilow Muudeey 45 sana jir ah

2.Aamino Macalin Cabdow Fiilow 17 sana jir ah

3.Cusmaan xuseen cabdi (osman jiis )43 sana jir ah

4.Yuuqaney Cusmaan xuseen oo 5 sana jir ah

5.Maxamed cabdi caliyow garboole 38 sana jir ah

Waxaana halkaas ku dhaawacmay

1.safiyo Cusmaan xuseen oo 1sano iyo bar jir ah ayado aabahed iyo walaasheed ka weyn

2-Maxamed Nuur Xuseen Cabdi oo 23-jir ah asigana dhaawaciisa waxa uu yaalaa isbitaal madiino ee magaalada muqdisho .

24852598_367137630380381_12798686799593924852657_367135073713970_74525973756884924862453_367135120380632_35212881150412724796339_367137607047050_50440208890875224775230_367135047047306_763874156833208

The post Akhriso Magacayada dadkii ay Diyaaradaha Mareykanka ku laayeen Farsooley Ee Sh/Hoose + Sawiro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this