Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Shidaalka Ee Nairobi Oo Baaqday Iyo Wasiirka Batroolka Soomaaliya Oo Ku Sugan Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaban-qaabiyeyaasha shirkii shidaalka iyo Gaaska ee lagu waday in uu ka dhaco Nairobi bisha March ee sanadka soo socda ayaa baajiyay kadib markii ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen kala hadal iyo maamul xumo.

Qoraal ka soo baxay kooxdan December 8,  waxaa lagu sheegay in shirkadaha Amsas iyo IRN  ay baajiyeen shirkii Nairobi iyaga oo intaasi ku daray in ay qaban-qaabin-doonaan shirar kale haddii fursadda u helaan.

Warbixin kale oo bishii hore ay soo saareen International Research Networks (IRN) waxaa iyadana lagu eedeeyay dowladda federaalka ah oo iska fogeysay in ay wax ka og tahay ama tagi-doonto shirkaasi kadib markii ay horay u soo dhaweysay.

Wasiirka Wasiirka Batroolka & Macdanta Xil. Eng. Cabdirashiid  Maxamed  Axmed ayaa warqad digniin ah uu u diray shirkadda IRN November 5, 2017 ku sheegay in wasaaraddiisa aaney arrintaasi la socon, qeybna ka aheen, tilaabadan oo ka hor imaaneysa warqad kale uu soo saaray wasiiru dowladaha federaalka ah Cabdullahi Xaamud Maxamed September 9, 2017  taas oo uu ku ammaanay shirkaasi IRN, sheegana in ay dowladda ka qeyb-galeyso.

Hadaba, Iyada oo shirkaasi maalgelinta shidaalka iyo Gaas-ka Soomaaliya ee Nairobi la baajiyay ayey Goobjoog News ogaatay in xilligan Wasiirka Batroolka & Macdanta Xil. Eng. Cabdirashiid  Maxamed Axmed  uu ku sugan yahay Stavanger, Norway, magaaladan waa magaalada 3aad ee ugu weyn dalka Norway, waxaa ay dadka ugu yeeraan caasimadda shidaalka Yurub.

Xil. Eng. Cabdirashiid  Maxamed  Axmed Wasiirka Batroolka & Macdanta,  waxaa uu wada hadal kula jiraa shirkado shidaal oo la filayo in ay maal-geshi ku sameystaan dhulka Soomaaliya.

Sida ay qortay World Energy Cities Partnership (WECP) magaalada  Stavanger ee dalka Norway waxaa xarunta illaa 300 oo shirkad, kuwaas oo maalgeshi ku sameeya Batroolka & Macdanta.

Goobjoog News, 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this