Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyaha Al-shabaab oo Soo Saaray Bayaan Ku Saabsan Go’aankii Trump ee Qudus

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka sare ee Alshabaab ayaa bayaan culus kasoo saaray go’aankii madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.

Bayaanka oo ka koobnaa saddex bog oo af carabi ku qoran waxaa cinwaan looga dhigay “Kulanku waaBeytul Maqdas”, wuxuuna ka koobnaa aayado iyo axaadiis.

“Kedis naguma ahayn hadalka kasoo yeeray, Trump Iyo ku dhawaaqistii uu ku sheegay in Qudus-ta muslimadda ah ay tahay caasimadda Israel, sidoo kalana lama aynaan fajacin sida liidnaanta ku jirto ee dhawaaqiida dabadhilfiyada u ah reer galbeedka ay u meel mariyeen heshiiskan, kani waa dhaqankooda, taasina waa wadada ay ku dulleynayaan shucuubta, kuna ihaaneysanayaan muqadasaatkooda.” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan Anigu yaqiiinsannahay in Yahuuda, yihiin cadowga Umadeena laga soo billaabo tan iyo markii lasoo saaray Nabi Muxamed SCW, mana ka zuuleyno inaan loolan kula jirno iyaga illaa Alle ka dhaxlo dhulka iyo wax dul saaran, Beytul Maqdas dartiisa iyo in wasakhda Yahuudda laga nadiifiyo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, manaraadihiisana laga taago Raayada Towxiidka ayay u soo nafiireen koox ka tirsan Muslimiinta, iyagoo ka jawabaya baaqa Rabigooda, intaas kadbina ka dhabeynaya dhaartii shahiidka Umadda, sidaan u rajeyneyno Sheykh Usaama bin Laadin –

Taqabalahullaah- markii uu ku dhaartay inuu soconayo dagaalka illaa aan uga gargaareyno Falastiin ama aan dhadhamineyno wixii uu dhadhamiyay Xamza bin Cabdil Mudhalib Radiyallahu canhu, welina dhawaqa dhaartiisii caanka ahayd kama tagin inay ku soo dhacdo dhegaha kuwa qiirada badan ee ka mid ah wiilasha Islaamka.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Amiirka Al Shabaab Bayaanka uu soo saaray ayaa wuxuu ku sheegay inay dhiiragelinayaan muslimiinta kala duwan ee shucuurtooda muujiyay iyo kuwa weli wada dagaalka hadafkiisa uu yahay ka xureynta Yuhuuda Magaalada Qudus.

PUNTLAND POST

The post Hogaamiyaha Al-shabaab oo Soo Saaray Bayaan Ku Saabsan Go’aankii Trump ee Qudus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this