Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada oo soo dhaweysay Dadaalkii Isimada ee khilaafkii u dhexeeyey Xukuumada iyo Ganacsatada Waxkalasoo dega Bosasaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumada Puntland ayaa soo dhaweysay Dadaalka iyo doortay ay Isimadu ka qaateen Xalinta mushkiladaha khaasatan dadaalkii ay u galeen xalinta Khilaafkii dhex yiilay Ganacsatada wax kalasoo dega Bosaso iyo Xukuumada.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Dadaalka Isimada wuxuu yiri” Waan soo dhaweynaynaa Dadaalka iyo go’aanka Isimada, Heshiisyada Dekada Bosaso Ma ahayn kuwo qarsoon oo isagoo Qoraal ah bay akhriyeen Golaha Wasiiradu”.

Dhinaca kale Ganacsatada ayaa ka cabanaya lacago dheeraada oo lagu tilmaamey Canshuur kordhin kuwasoo looga dhalisay yahay in Shirkado gaar looleeyahay ay dul saarteen Canshuurtii rasmiga ahayd.

Warkaan oo dhameystiran dhowaan naga filo
Puntlandi
Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this