Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaas: AMISOM Iyo Xoogga Dalka Oo Ka wada hadlay Ammaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan ay ku yeesheen saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiran.

Kulankaan ayaa u jeedkiisa waxaa uu ahaa mid isbarasho ee dhexmarayay maamulka cusub ee degmada Maxaas ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala magaalda Maxaas .

Gaashaanle dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim oo ka mida saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u faahfaahiyey waxa ka soo baxay kulanka.

“Kulankii dhacay waxaa uu u dhaxeeyay maamulka degmada Maxaas ee ciidanka AMISOM iyo saraakiisha xoogga dalka Soomaaliya,  waxyaabaha looga hadlay ee muhiimadda lagu saaray marka koobaad waa amniga in laga howlgalo degaanno badan oo hoos yimaado degmadaani, waxaa si doo kale looga hadlay arrimo kale ee ku saabsan sidii dib looga xoreyn lahaa fariisimaha ay Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka”.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this