Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Jamacadda Carabtu Hadaf la’aantooda iyo Ururka Midowga Yurub Hor

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Jaamacadda  Carabta  waxaa la asaasay  1945, bishii  Maarso22: Waddanka Masar aya lagu Asaasay ilaa hadana xaruntiisu waa (Caasimadda Masar ee Qaahira)  isbahaysiga Jamacadda Carabtu  waa mid  muddo dheer jiray  waana mid  aan Dunida waxba kusoo kordhin waana mid  kala fogeeya Shacuubta Islaamka  waa mid  aad u tabar yar  waana mid aan lahayn   HADAF IYO HAN, waa mid Dalalkoodu cadow  isu yihiin hadana  bah wadaag ku ah Magaca  Ururka Jamacadda Carabta, Akhri Tusaalooyinkan hoos aan ku sharrixi doono.

Waxaa  xubno  ka ah  22, Dal iyo xubin sharafeed ah oo ah Dalka  (Eritrea) Erratariya,

Toddobaatan iyo labo (72) Sanno   ayuu dhisan yahay  Ururka Jammacada Carabtu.

Malahan Ciidan Mideysan kana hortaga  qalalsaha Waddamada Jamacadda Carabta.

Isu socdka  shacbiga Jaamacadda  Carabtu waa  Fiiso,  micneheedu  haddii aad  tahay xubin kamida Ururka Jamacada  Carabta  laakiin aad   doonayso inaad  u safarto mid kamida Dalalka Jaamacadda Carabta  Xitaa Xajika oo Sucuudiga ku yaal waa inaad Fiiso Qaatato xasusin tiro yar aya balaa fiiso isu ah.

Ururka Jamacadda  Carabta  waxa ku bahoobay  Dalal Muslimiina  kuna yaal Qaaradda Afrika iyo Asiya 22kan Dal ee Jaammacada Carabtu  intooda badan waa Dalal qaniya  ama dhul wanaagsan leh.

Waddamada Ururka Jammacada Carabtu  waa  Dalal  dhammanatood  kujira  ciriiri  siyaasaddeed  iyo xukun  aan  shacabkoodu raali ka ahayn qeybtood  hoggaamiyayaashoodu waa iska dhaxlan Kursiga ama xukunka  Qeybtood  xoog ayey isku xukuman  qeybtoodna waxaa ku kala dhex jira Caalamka Soomaaliya ayaa tusaale u ah kuwa lagu kala dhex jiro.

Ururka Midowga Yurub waxaa  ku bahoobay 23, Dal oo ku yaal Qaaradda  Yurub  waxana la asaasay 1992, in kastoo uu horay u jiri jiray   Heshiiska Rome (1958) kaasoo la oran jiray  Ururka Dhaqaalaha Yurub (EEC).

Midowga  Yurub  wuxuu  yeeshay  talo mideysan  dhaqaale mideysan iyo siyaasad ballaaran oo  ay ku Najaxeen Dalalkoodu  iyo   Bulshada   Qaaradda Yurub wax qabadkooduna wuxuu gaara Qaaraddaha ka baxsan Yurub.

Laakiin taas  bedelkeed  Ururka Islaamka ee  Jammacada  Carabtu   waxay ku guul daraysteen inay Mideeyan Taladooda, dhaqaalahooda iyo  siyaasaddooda, Ceebaha dul saaran Jamacada Carabta waxaa kamida Xaalka Suuriya Yemen, Soomaaliya iyo Liibiya oo dhammanatood xubin ka ah Jamacadda Carabta, Saadam Xusen waa la dilay weliba waa la daldalay, Qadaafi iyo Cali Cabdalle Saalax, Qadiyadda  Qudus ama Masjidu AlAQSA oo maanta  xalkiisu tagan yahay waxna aysan ka qaban karin, fool xumo weyna. Abwan Soomaaliyeed soo tuu lahaa Noloshu marbay Geerida dhanta.

Ururka Jamacadda  Carabtu  intooda badan  waxaa ka dhexeya muran siyaasadded iyo mid dhuleed  Tusaale  Waddamada Suudan iyo Masar dhul ayey  ku muran san yihiin, Waddamada  Muritaaniya Marooko , Aljeeriya  iyo Liibiya   waxa ka dhexeya muran  Dhuleed, Masar iyo Liibiya ayaa Muran  Dhuleed ka dhexeya, Sucuudiga iyo Yemen waa lamid Kuwayd iyo Ciraaq  waa lamid  tani waa  Tusaale yar sida xitaa  Ururka ay ku mideysan yihiin  waa awoodi waayey inuu  xaliyo xudduudaha  Dalalka ay ka kooban yihiin  Ururka  Jamacadda Carabta.

Ururka Midowga Yurub wuxuu  leeyahay  Hal Lacag sidookale waxay ku mideysan yihiin Canshuurta,   Midowga Yurub  Baasaboorkooda  dhexdooda wa bilaa Fiise oo haddii aad  Mawaadin Yurubiyana tahay Dalalka Midowga Yurub uma qaadanaysid Fiiso Dal ku gala.

Taas  bedelkeed  Ururka Jamacadda Carabtu  waxaa la isku qaata Fiiso Dal ku gala xitaa Dhalasho kama qaadan kartid  mid kamida Ururka ku mideysan Jamacadda Carabta tusaale  Adiga oo Soomaaliya kana tirsan Jamacadda Carabta, haddii aad Sucuudiga tagto waa laga masaafurinaya ama Inta aad jogto waxaa laga qaadaya Lacag. Xasuusnow   Diin, ayaa innaga dhaxaysa Salaadeennu waa mid Qilbadeennu waa mid  Dastuurkeennu waa Mi doo ah Kitaabka Alle.

Waddamada Jaammacada  Carabta ku mideebay  ma lahan hannan Dimuqraadiyadeed oo xor Ummaddahoodu  ay ku doortan  madaxdooda.

Waddamada Jammacada  Carabta  intooda badan waxaa u taliya keligi taliyayaal  ilaa la gaaray heer Shacabkoodu  xukunka uga  riden  kadibna si fool xun loo dilo.

Jamacadda Carabtu waa waddamada  ugu Khayraadka badan  Dunida  waxana ku jira Dhulal  Barakeysan Rabbina  ku sheegay Qur,aankiisa  laakiin  intooda badan waa faqiir, waxana sas ka dhigay  Ex iyo Musuqmasuq iyo caddaalad xumo ka jirta dhexdooda.

Ugu dambeyntiina  wax tar xumada iyo ceebta ku gadaaman Ururka Jamacadda Carabta  wuxuu keenay in  hoggaamiyayaashooda   sidii ladoono laga yeelo ilaa la garsiiyey heer Iyagoo arkaaya la Daldalo, iyagoo arkaaya la burburiyo Waddamadooda iyagoo arkaayana maanta laga qato Masaajidka Alqsa Ama Qudus.

Taariikhdu uma dambi dhaafi doonto Dhalinyarada  maanta  inay   Xallada    Ummadda Carbeed ku eegtan sida ay  tahay. waxaa sidas yiri Aqoonyahan  carbeed Axmad Sol.

Xaywaanka  ladhaho Bahal Higlo waa tiro badan tahay  waana  tabar yar tahay waxana lamida  Ururka Jamacadda Carabta

Waxa Qoray  Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye  arrimaha bulshada.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this