Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Mas’uuliyiinta G/Gedo oo qax u ah Kismaayo & Al-shabaab oo ku xisaabtameysa Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto cabsi weyn oo laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay la wareegan Gobolka.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in maleeshiyaadka ay ku sugan yihiin inta badan hareeraha Gobolka, waxaana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gedo ay gaaren magaalada Kismaayo.

Deegaano dhowrah oo hoostaga Gobolka Gedo ayaa waxaa hadda ku sugan maleeshiyaad kor u dhaafaya 500 kuwaa oo wehlinaaya Horjoogaha ugu sareeya al-Shabaab Axmed Diiriye oo ku magic dheer ‘’Abu Cubeyda’’.

Qeybo kamid ah isla Gobolka ayaa waxaa la soo warinayaa inuu ku sugan yahay Horjoogaha al-Shabaab ee Jubbooyinka Abu Cubeyda, halka qaar kale ay ku sugan yihiin deegaano ay kamid yihiin Ceel-Cadde oo ay isku hor fadhiyaan maleeshiyaad ka tirsan isla Shabaab.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa raja badan ka qabta inay gacanta ku dhigto Gobolka Gedo oo ay ku yar yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale, waxa ay cabsi xoogan soo foodsaartay tirada  mas’uuliyiin eek u harsan Gobolka Gedo oo ay suuragal tahay inay ku xirmaan waddooyinka ay isticmaali lahaayen haddii ay suuragasho in al-Shabaab u awood sheegtan ciidamada maamulka.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaase muuqaneysa in xaalka uu yahay mid dhabaqsan isla markaana laga deyrinaayo haddii aan la helin cudud ciidan oo ka hortaga dhaqdhaqaaqa ay maleeshiyada ku doonayaan inay ku qabsadaan Gobolka Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xog cusub: Mas’uuliyiinta G/Gedo oo qax u ah Kismaayo & Al-shabaab oo ku xisaabtameysa Gedo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this