Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee ayey ku danbeeyen ciidamadii farahabadnaa ee DFS u diyaarisay duulanka ka dhanka ah al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xero duleedka ka ah Degmada ay ku xaniban yihiin ciidamo ka tirsan dowlada oo dhawaan halkaa loo dajiyay inay weerar ku qaadan Saldhigyada ay al-Shabaabka ka degan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamadan oo dhowr kun dhan ayaa lasoo sheegayaa inay ku xaniban yihiin Xerada lagu diyaariyay isla markaana aysan weli qaadin sahmin ay ku ogaankaraan halka ay ka xigaan Saldhigyada Shabaabka.

Mid kamid ah Saraakiisha hogaamineysa ciidamada oo lagu magacaabo C/lahi Cali ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin kuwo ku jira heegan isla markaana aan weli la galin duulaankii loo waday.

Waxa uu sheegay in dowlada laga doonaayo inay ka dhabeyso qaadista dagaalka maadaama ay maleeshiyaadka al-Shabaab Gobolka ka sameysanayaan dhufeysyo hor leh.

Waxa uu tilmaamay in xogo ay helayaan ay muujineyso in maleeshiyaadka ay qodeen wadooyin dhowr ah si aan loogu gudbin isla markaana qaarkood ay dhigeen maleeshiyaad farabadan.

Waxa uu dowlada ku dhaliilay inay ka hordhacday duulaanka ay ku qaadeyso Saldhigyada al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, balse ay ku fashilantay inay ka miro dhaliso.

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in cilada ay tahay mid ka socta dhanka Madaxda iyo Taliyayaasha maadaama ay ka hordhaceen duulaanka isla markaana maleeshiyada fursad u siiyeen inay isku faafiyaan Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ayaa loogu baaqay in ciidamada ay kasoo saarto xerooyinka ku yaala duleedka Degmada Afgooye ama ay isticmaasho awood ciidan oo ay qaado duulaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Halkee ayey ku danbeeyen ciidamadii farahabadnaa ee DFS u diyaarisay duulanka ka dhanka ah al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this