Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq maasuqa oo Maanta Garoowe laga xusay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad ballaaran oo lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee la-dagaallanka Musuq maasuqa oo ay soo agaasintay hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuq Puntland,sidoo kalena ay gacansiisay hay’adda UNDP ayaa Maanta lagu qabtay xarunta Cilmi Baarista, Nabadda iyo Horumarinta Puntland(PDRC) ee magaalada Garoowe.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Sii hayaha Wasiirka caddaaladda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya,qaar kamid ah wasiirada caddaaladda dowlad goboleedyada dalka,Saraakiil ka socotay hay’adda UNDP,taliyaha ciidanka Asluubta Puntland,ururada bulshada rayidka ah ,ganacsato,isimo,culimo iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuq Puntland,Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ka warbixiyey dadaalka hay’addiisu ugu jirto cirib-tirka Musuq maasuqa ayaa sheegay in ay ku jiraan halgan lagu dabar-goynayo Musuqa,wuxuuna codsaday in lagu gacansiiyo ol-olahooda,si gebi ahaanba loogu guulayso arrintaan.

Wasiirka Caddaaladda Dastuurka iyo Arrimaha Diinta Jubaland Aaden Ibraahim Aw-xueen oo ku hadlayey magaca dowlad goboleedyada dalka,ayaa sheegay in mas’uul kasta oo ku tegri-fala hantida umadda uu Musuq maasuq ku kacay,siadaasi darteedna ay waajib tahay in laa kashifo,islamarkaana dadweynaha hortooda lagu ceebeeyo.

Sii hayaha Wasiirka caddaaladda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Abuukaate Xassan Xuseen xaaji oo munaasabadda soo xiray ayaa dhankiisa sheegay in Musuq maasuqa laga bixi karo,haddii la tayeeyo hay’adaha garsoorka dalka,isagoo tilmaamay in haddii caddaalad la helo aan musuq maasuq jirayn.

Halkaan ka daawo Muuqaalka.

Sawirrada Munaasabadda.

IMG_0139-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0142-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0143-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0145.jpg?resize=600%2C400IMG_0146.jpg?resize=600%2C400IMG_0147.jpg?resize=600%2C400IMG_0148.jpg?resize=600%2C400IMG_0150.jpg?resize=600%2C400IMG_0154.jpg?resize=600%2C400IMG_0158.jpg?resize=600%2C400IMG_0160.jpg?resize=600%2C400IMG_0170.jpg?resize=600%2C400IMG_0171-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0173-2.jpg?resize=600%2C400IMG_0178.jpg?resize=600%2C400IMG_0179.jpg?resize=600%2C400IMG_0187.jpg?resize=600%2C400IMG_0190.jpg?resize=600%2C400IMG_0194-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0196-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0199.jpg?resize=600%2C400IMG_0202-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0207-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0210-2.jpg?resize=600%2C400IMG_0219-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0220-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0224-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0226-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0227-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0228-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0229-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0236-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0245-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0249-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0252-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0253-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0256-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0257-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0260-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0261-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0270-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0273-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0274-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0275-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0278-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0280-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0281-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0296-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0300-1.jpg?resize=600%2C400IMG_0301-1.jpg?resize=600%2C400

PUNTLAND POST

The post Daawo: Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq maasuqa oo Maanta Garoowe laga xusay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this