Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay dagaalka u dhexeeya Horjoogayaasha al-Shabaabka Gobolka Gedo (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal qaraaran oo u dhexeeyay maleeshiyaad kawada tirsan al-Shabaab kaa oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Dagaalka oo mudadii uu socday leysu adeegsaday Hubka culus ayaa waxa uu si gaara uga dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-cadde oo ku yaala duleedka degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo.

Dagaalka ayaa si gaara ugu dhexeeyay Horjoogaha al-Shabaab ugu sareeya ee Gobolka Gedo Sheekh Fiidow iyo Maleeshiyaad uu soo diray Horjoogaha maleeshiyada ugu magacaaban Gobolada Jubbooyinka Sheekh Maxamed ‘’Abu Cabdalla ‘’.

Dagaalka ayaa xoogeystay kadib markii Horjoogaha al-Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka uu amar ku bixiyay inay soo dilaan Sheekh Fiidow isla markaana kasoo qaadan Gaadiid iyo Hub farabadan oo uu heystay, waxaana arrintaa difaac ka sameeyay Fiidow oo Dagaal culus la galay maleeshiyaadka uu soo diray Abuu Cabdalla.

Maleeshiyaadka ku socday amarka Abuu Cabdalla ee duulaanka qaaday ayaa watay afar Gaari nooca dagaalka ah, halka Sheekh Fiidow uu ka watay maleeshiyaad tirro ahaan lagu sheegay lixdan iyo Lix gaari nooca dagaalka ah.

Weerarka lagu qaaday Sheekh Fiidow ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wadaadkaasi uu baxsad u ahaa dhanka Dowlada isla markaana uu soo idlaaday wadahadal kala dhexeeyay dowlada oo kama danbeyntii uu isku dhiibi lahaa.

Fiidow ayaa waxaa garab taagan Horjoogayaal la sheegay inay gaarayaan 5 kuwaa oo iyaguna ka gadoodsan maamulka Sare ee al-Shabaab, taa oo keentay inay gooni uga baxaan Maleeshiyaadkii kale ee ku sugnaa deegaano ku dhow dhow Ceel-Cadde.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dowlada Federaalka oo ku sugan Gobolka Gedo, ayaa xaqiijiyay in xogta ay helayaan ay tibaaxeyso in labada dhinac ay iska dileen maleeshiyaad dhan 7 kuwaa oo Meyd ahaan goobta looga kala gurtay, halka dhaawacana uu yahay mid kor u dhaacaya 12.

Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa sheegay inay maqlayaan Rasaas goos goos ah oo weli ay is weydaarsanayaan maleeshiyaadka ku dagaalamaaya deegaanka Ceel-Cadde, kuwaa oo u muuqda inay isku waabariisanayaan.

Ma cadda waxa la gudboon maamulka gacanta ku haya deegaanka uu dagaalka ka socda iyo kuwa kale oo ay ku dhuumaaleysanayaan al-Shabaabka.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

The post Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay dagaalka u dhexeeya Horjoogayaasha al-Shabaabka Gobolka Gedo (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this