Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Badda Puntland Oo Tababar Loo soo xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Magaaladda Bosaso waxaa  lagu qabtay Munaasabad ballaaran oo  Tababar loogu soo xiray in ka badan 300 askari oo ka mid noqday ciidamadda badda Puntland ee PMPF.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta ciidamada badda ee Bosaso, waxaa ka soo qaybgalay, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa degmadda Bosaso, Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland, Taliyaha Ciidamada Badda, Saraakiil ka socotay dowladda Imaraadka iyo Marti sharaf kale.

Taliyaha ciidamadda Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriya Faarax  oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay wuxuu u mahadceliyay dowladda Imaraadka carabta, isagoo tilmaamay in Tababarkan iyaga la’aantood uusan hirgalayn.

“dowladda walaalaheen ah oo iyagu Mashruucan  tabababarka ciidanka badda  Puntland  samaysa hayday anaan lahayd dhaqaale iyo aqoon ahaanba” ayuu yiri

Gudoomiyaha gobalka Bari, Yuusuf Maxamed Waceys dhado ayaa u hambalyeeyay ciidamada cusub ee tababarka dhamaystay, wuxuuna sheegay inuu ciidamada ay ka caawin doonaan  la dagaalkanka Cadawga Puntland.

Mudadii ay socotay Munaasabada xiritaanka Tababarka, ciidamadu waxay soo bandhigeen dhooltus ay ku muujinayeen siday ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo ilaalinta dalka, waxaana la guddoonsiiyay qaarkood shahaadooyin iyo abaalmarino kale.

Taliyaha-Badda-8.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-9.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-10.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-11.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-12.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-13.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-14.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-15.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-16.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-17.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-18.jpg?resize=1000%2C563Taliyaha-Badda-19.jpg?resize=1000%2C563

Taliyaha-Badda-22.jpg?resize=1000%2C563

Taliyaha-Badda-21.jpg?resize=1000%2C563

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso

The post Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Badda Puntland Oo Tababar Loo soo xiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this