Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo Puntland kusoo laabtay kana warbixiyey Shirkii Amniga Qaranka ee Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

GAAS-1.jpg?resize=600%2C400

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane. cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo Galabta dib ugu soo laabtay Puntland,gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in  dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in shirkani lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, astaan qaranle, ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka daawo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Gaas oo Puntland kusoo laabtay kana warbixiyey Shirkii Amniga Qaranka ee Muqdisho. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this